Limit this search to....

Is-Dhiib
Contributor(s): Ahmed, Saida Sheikh (Author)
ISBN: 2960077504     ISBN-13: 9782960077506
Publisher: Saida VIP Publications
OUR PRICE:   $9.50  
Product Type: Paperback
Language: Somali
Published: December 2012
Qty:
Additional Information
BISAC Categories:
- Travel | Africa - General
Physical Information: 0.23" H x 6" W x 9" (0.33 lbs) 94 pages
Themes:
- Cultural Region - African
 
Descriptions, Reviews, Etc.
Publisher Description:
"Goor subax ah ayaan soo abbaaray suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaanan soo dul istaagey gaari afka soo aadinayey dalka Itoobiya. Weligey uma aanan safrin meel ka baxsan gobollada Soomaaliya, cabsi badan ayaana iga buuxdey, mana lahayn wehel aan ahayn buufis iyo rabitaanka oo i hoggaaminayey, indhana ii ahaa. Gaarigii ayaan ka bixiyey lacag ku dhoweyd 50 doolar, waxaana la ii sheegay in aan dhaqaaqayno goor dhow, markaanse in muddo ah sugayey ayaa habeennimadii naloo sheegay in uu dib u dhacay safarkeennii. "Rar ama xamuul nagu filan ma haysanno ayey nagu yiraahdeen mulkiilayaashii gaariga. "Aniga ahaan, waxaan go'aan ku gaarey in aanan ku noqon reerkii aan soo macasalaameeyey iyagoo ilmaynaya, oo xittaa walaalkey oo aan adduunka ugu jeclahay aanan soo arkin, soona macasalaameyn, si aanan u arkin indhihiisa oo ka ilmaynaya safarkayga bakhtiyaa nasiibka ah ee aan soo qasbanayey. "Habeenkaa uu dib-u-dhaccu ku yimid safarkeennii waxaan la seexday dadkii aan ku bartay gaariga agtiisa ee aan isku safarka ahayn. Hase yeeshee, iska- daba-noqod laba maalin ah kaddib, waxaan innoo billowday safarkii dheeraa ee Itoobiya. Markaan habeenkii xoogaa soo soconey ayaan cagaha la soo galnay Wanlaweyn oo ah deegaan ka tirsan Daafeed, halkasoo aan ka cunnay casho tii iigu macaanayd ee aan cunay, wuxuuna wadihii gaariga nagu wargeliyey in aan biyo kasii dheregno, maadaama loo socdo jid laba habeen iyo laba maalin lagu sii jiraayo oo lagu magacaabo Laba-Qadka, una dhexeeya Daafeed iyo tuulada Ceel Cali, ahna dhul engagan oo oonleey ah, baahi iyo harraadna ay u dheer yihiin. Safar dheer ayaan soo galnay illaa aan soo gaarney meel oonleey ah oo korkaagu dhaqso ku qalaalaayo, oonkuna (harraad) uu afka kaa saaran yahay. Waxaan u ekaannay maro duug ah, dadkiiyoo dhanna ishooda waa ay is wada beddeshey. "Dadkii safarkaa igu wehlinaayey waxay isugu jireen; dad alaab iib ah keensaday Muqdisho oo intey u gadantay dib usii laabanaayey; dad dadkooda ku booqanayey dhulka Soomaalidu degto ee Itoobiya; iyo dad tahriib ah sideyda oo kale, maadaama dadka Soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya oo aan aniguba ka mid ahay aan aaminsannahay in xitaaa waddamada derisku ay dhaamaan Soomaaliya, loona maleeyo in ay taallo deeq iyo dhoof degdeg ah, taasoo runtii xaqiiqda ka fog. "Aniga iyo socotadii aan gaariga wada saarnayn dhammaanteen waxaan lahayn aragti qura oo intii aan ku soconey Laba-Qadka tarjumeysey baahi iyo oon (Harraad). Mar aan naftii nacnay oo aan dhibsannay socodka dheer ayaan soo gaarnay galab casir ah tuuladii Ceel Cali, halkaasoo aan kaga soo dul dhacnay maqaaxi weyn oo aan ka dalbannay raashin wanaagsan, kuna mayrannay korkii iyo dharkii, in cabbaar ahna ku nasannay...

Warning: Unknown: write failed: No space left on device (28) in Unknown on line 0

Warning: Unknown: Failed to write session data (files). Please verify that the current setting of session.save_path is correct (/tmp) in Unknown on line 0